Posts

Tansaaniya: 90 Jir Dhammaystiray Tartan Orad oo Masaafadiisu Tahay 21.1 km

Image
Mollel waxa uu caddeeyey in aan da’du caqabad ahayd, balse ay tahay ta koowaad ee saamaxda marka uu qofku doonaayo inuu riyadiisa gaadho. 90 jirkan oo awoowo ah waxa uu ka qaybgalay tartanka oradka 21,1 km ee loo yaqaan Kilimanjaro Half Maraton, waxaannu aad u soo jiitay quluubta dad aad u badan, kadib markii uu dhammaystiran masaafadii looga baahnaa. Tartarnka oradka Kilimanjaro Half Marathon waxa uu hadda galay sannadkii 13aad. Waxa dhacdadan aqoonsaday Ururka Ciyaaraha Fudud ee Adduunka ee IAAF. Markii ugu horraysay ee ciyaartan la bilaabay waxay ahayd 2002, waxaana ka qaybgalay ciyaartii ugu horraysay 300 laa 400 oradyahan. Sannadkan waxa indhaha warbaahinta iyo dunidaba soo jiitay Joram oo 90 jir ah sida lagu daabacay website Tigo, waxa uu Mollel ku dhashay magaalada Arusha, waxaannu ku koray Kijenge, balse wuxuu ka shaqaystaa magaalada Mgambo oo uu ka yahay waashmaan amma ilaalo ammaan, waxaannu ku dhiiraday inuu ka qaybqaato oradka masaafada dheer, kadib markii uu muddo badan

Dal Muslim ah oo Qaaday Tallaabadii Madaxweyne Trump, Shan Mabnuucayna Dal-ku-galka Shan Dal oo Islaama

Image
Muwaadiniinta ka yimaada shan dal oo dadka ugu badan ee ku dhaqan Muslimin yihiin ayaa laga mabnuucay in ay geli karaan dalka Kuwayd amma in ay helaan wax dal-ku-gal ah (Visas), kadib markii masuuliyiinta dalkan soo rogeen xayaraad dhinaca safarada ah oo ay kaga daydeen Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump. Suuriya, Ciraaq, Iraan, Bakistan iyo Afganistaan ayaan dadkoodu awood u yeelan doonin in ay helaan fiisaha, booqashada amm arrimaha ganacsi ee dalka Kuwayd. Warkan oo soo baxay maalin uu kadib markii dalka Maraykanku soo saaray inuu mabnuucay in dalkooda ay soo galaan toddoba dal oo muslimiin ah dadkoodu. Dadka sita basaboorada dalalkan looma ogolaanaayo in ay galaan dalkan Gacanka Carabta ku yaala, iyadoo loo sheegay xataa in aanay soo dalban karin fiisayaal ganacsi iyo qaar dalxiis ba. Saraakiil dawladda ah ayaa u sheegay warbaahinta in go’aankan ay ka dambaysay tallaabooyin lagaga hortagaayo xasilooni darro dalalkaas ka jirta in aanay soo gaadhin dalka Kuwa

Lewandowski Oo La Tilmaamay Inuu Kawaangsan Yahay Ciyaaryahano Dhowr Ah Hadaba Waa Kuwee?

Image
Weerar ka ugu wanaagsan dunida ayaa mar walba dood ay ka timaadaa lambarka 9 aad cida ku wanaagsan sidaa daradeed waxaa ka hadlay ninka lagu magacaabo Lothar Matthaus. Sagaalka ugu wanaagsan dunida waa kuma, ma Karim Benzema, Luis Suarez, Diego Costa, Mise qof kale? Lothar Matthaus ayaa ku fakaraya inuu ugu wanaagsan yahay ciyaaryahan Robert Lewandowski dhamaan ciyaaryahanadaas waa sida uu qabo asaga. Bayern Munich ciyaaryahan keeda Lothar Matthaus ee ka ciyaaro difaaca ayaa ku tilmaamay ciyaaryahan Lewandowski inuu yahay sagaalka ugu wanaagsan dunida wuxuuna rumeysan yahay Poland xidigooda weerarka ka ciyaaro inuu ka waangsan yahay xidigaha kale ee xirto lambarkaan. Matthaus ayaa rumeysan inuu in badan ka wanaagsan yahay Lewandowski ciyaaryahanada kale ayadoo lafiirinaayo dhinac walba. “Aniga ahaan, Lewandowski waa lambarka sagaalaad ee ugu fiican dunida,” Matthaus ayaa ku codeeyay barihiisa internet ka. “Wuxuu ka wanaagsan yahay ciyaaryahanda Karim Benzema, Luis Suarez

Jose Mourinho Oo Ku Qasbi Doona Inuu Baxo Xagaaga Ciyaaryahan United ugu fadhiya Lacag Dhan £27m.

Image
Manchester United daafaceeda Luke Shaw ayaa lagu soo warramayaa inuu doonayo inuu isaga tago kooxdiisa xagaaga haddii uusan helin waqti ciyaareed joogto  ah bilaha soo aadan. 21-jirkan ayaa hardan dheer u galay sidii uu saameen wayn ugu yeelan lahaa macallinka kooxda united Jose Mourinho tan iyo markii  loo magacaabay tababaraha United xagaagi lasoo  dhaafay. IMarkii uu dib u soo laabtay, waxa uu saftay 14-kulan tartamadoo dhan asagoo kaliya sameeyay seddex bilaabasho afartii  bilood ee u danbeesay asagoo  si cad uga dhacay dooqa  macallin Mourinho. Asagoo sidoo kale macallinkiisu uu u dhaleeceeyay si cad dhaawaiciisa iyo asagoo aan ciyaari Karin xanuun dartiis, uma ahayn sannad wacan qaas ahaantiisa.

Xukuumadda Somaliland iyo Shirkadda DP WORLD oo Dhammaystiraya Heshiiska Maalgashiga Dekedda Berbera

Image
Wefti ka socda Somaliland oo u socdaalay Imaaraadka Carabta oo ay kulamo kula yeelanayaan maamulka Shirkadda DP WORLD Hargeysa (MK)- Wefti ka socda xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa safar ugu baxay magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta si ay u soo dhammaystiraan heshiiska shirkadda caalamiga ah ee DP WORLD kula wareegayso maalgashiga iyo maamulka dekedda Berbera. Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Md. Xuseen Aadan Cige (Dayr), ayaa ka warbixiyey ujeeddada safar wefti uu horkacayo Wasiirka Madaxtooyada ugu baxeen dalka Imaaraadka Carabta shalay. “Xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland iyo masuuliyiin kale oo xukuumadda ah ayaa u baxay dalka Imaaraadka Carabta, gaar ahaan magaalada Dubai, weftigana waxa hoggaaminaya Wasiirka Madaxtooyada Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, waxana ka mid ah Wasiirka Maaliyadda marwo Samsam Cabdi Aadan, iyadoo uu ka sii horreeyey Wasiirka Arrimaha Dibadda Dr. Sacad Cali Shire. Waxa kaloo weftiga ka mid ah wakiillada Somali

Daraasad Iftiimisay Dalalka Safka Hore Kaga Jira Musuqmasuqa iyo Wadammada Afrika ee Ugu Musuqa Yar

Image
Dalka Soomaaliya, ayaa loo aqoonaday inuu yahay qaranka ugu musuqmaasuqa badan Qaaradda Afrika iyo guud ahaanba Adduunkaba, isagoo kaalinta koowaad ee xaga musuqmaasuqa ka qaaday dalka Koonfurta Suudaan oo hore hoggaanka ugu haysay musuqa caalamka. Hay’adda Transparency International oo soo saartay daraasad heerka musuqmaasuqa adduunka lagu qiimeeyo (Global Corruption Perceptions Index 2016),

MAANKAAB.COM - HOYGA ARRIMAHA BULSHADA Arrin Mucjiso ah: Degaan Dadka ku Nool ay Maalintii Indho La’yihiin, Habeenkiina Wax Arkaan

Tuulo ku taal dalka Yemen, ayaa lagu arkay dhacdo cajiib ah, iyadoo dadka ku nool ay waqtiga habeenkii oo qudha wax arkaan, balse aanay waxba arag xilliga lagu jiro maalinta iftiinka ah. Tuuladan oo la yidhaah Khashaba ee dalka Yemen, dadweynaha ku dhaqan waxa ay si fiican indhahooga wax ugu arkaan mugdiga gudcurka ah, waqtiyada maalintii ee iftiinka cadceedu jirana waxba ma arkaan, balse haddii cadceedu sidaa u dhacdo waxbay arkaan. Qaar ka mid ah dadka degen tuulada koonfur galbeed ee magaalada Sanaca waxa badankooda haleelay saboolnimo aad u daran, biyo iyo korontana ma haystaan, taasina waxay keentay in aanay waqtiyada iftiinku jiro waxba aanay arag, aragooduna aad u liito, waxaanay aragoodu xooganaadaa marka ay cadceedu godkeeda gasho amma libidho. Ilaa hadda lama soo sheegin dhacdo amma war la mid ah kiiska Yemen ka dhacay oo lagu arkay meelo kale oo caalamka ah, balse dhakhaatiirtu waxay sheegeen in arrintan ay tahay xannuun ku dhacay hide-sidayaasha (Genetic disorder) dadka tu