Posts

Showing posts from March, 2017

Tansaaniya: 90 Jir Dhammaystiray Tartan Orad oo Masaafadiisu Tahay 21.1 km

Image
Mollel waxa uu caddeeyey in aan da’du caqabad ahayd, balse ay tahay ta koowaad ee saamaxda marka uu qofku doonaayo inuu riyadiisa gaadho. 90 jirkan oo awoowo ah waxa uu ka qaybgalay tartanka oradka 21,1 km ee loo yaqaan Kilimanjaro Half Maraton, waxaannu aad u soo jiitay quluubta dad aad u badan, kadib markii uu dhammaystiran masaafadii looga baahnaa. Tartarnka oradka Kilimanjaro Half Marathon waxa uu hadda galay sannadkii 13aad. Waxa dhacdadan aqoonsaday Ururka Ciyaaraha Fudud ee Adduunka ee IAAF. Markii ugu horraysay ee ciyaartan la bilaabay waxay ahayd 2002, waxaana ka qaybgalay ciyaartii ugu horraysay 300 laa 400 oradyahan. Sannadkan waxa indhaha warbaahinta iyo dunidaba soo jiitay Joram oo 90 jir ah sida lagu daabacay website Tigo, waxa uu Mollel ku dhashay magaalada Arusha, waxaannu ku koray Kijenge, balse wuxuu ka shaqaystaa magaalada Mgambo oo uu ka yahay waashmaan amma ilaalo ammaan, waxaannu ku dhiiraday inuu ka qaybqaato oradka masaafada dheer, kadib markii uu muddo badan