Posts

Showing posts from February, 2017

Dal Muslim ah oo Qaaday Tallaabadii Madaxweyne Trump, Shan Mabnuucayna Dal-ku-galka Shan Dal oo Islaama

Image
Muwaadiniinta ka yimaada shan dal oo dadka ugu badan ee ku dhaqan Muslimin yihiin ayaa laga mabnuucay in ay geli karaan dalka Kuwayd amma in ay helaan wax dal-ku-gal ah (Visas), kadib markii masuuliyiinta dalkan soo rogeen xayaraad dhinaca safarada ah oo ay kaga daydeen Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump. Suuriya, Ciraaq, Iraan, Bakistan iyo Afganistaan ayaan dadkoodu awood u yeelan doonin in ay helaan fiisaha, booqashada amm arrimaha ganacsi ee dalka Kuwayd. Warkan oo soo baxay maalin uu kadib markii dalka Maraykanku soo saaray inuu mabnuucay in dalkooda ay soo galaan toddoba dal oo muslimiin ah dadkoodu. Dadka sita basaboorada dalalkan looma ogolaanaayo in ay galaan dalkan Gacanka Carabta ku yaala, iyadoo loo sheegay xataa in aanay soo dalban karin fiisayaal ganacsi iyo qaar dalxiis ba. Saraakiil dawladda ah ayaa u sheegay warbaahinta in go’aankan ay ka dambaysay tallaabooyin lagaga hortagaayo xasilooni darro dalalkaas ka jirta in aanay soo gaadhin dalka Kuwa

Lewandowski Oo La Tilmaamay Inuu Kawaangsan Yahay Ciyaaryahano Dhowr Ah Hadaba Waa Kuwee?

Image
Weerar ka ugu wanaagsan dunida ayaa mar walba dood ay ka timaadaa lambarka 9 aad cida ku wanaagsan sidaa daradeed waxaa ka hadlay ninka lagu magacaabo Lothar Matthaus. Sagaalka ugu wanaagsan dunida waa kuma, ma Karim Benzema, Luis Suarez, Diego Costa, Mise qof kale? Lothar Matthaus ayaa ku fakaraya inuu ugu wanaagsan yahay ciyaaryahan Robert Lewandowski dhamaan ciyaaryahanadaas waa sida uu qabo asaga. Bayern Munich ciyaaryahan keeda Lothar Matthaus ee ka ciyaaro difaaca ayaa ku tilmaamay ciyaaryahan Lewandowski inuu yahay sagaalka ugu wanaagsan dunida wuxuuna rumeysan yahay Poland xidigooda weerarka ka ciyaaro inuu ka waangsan yahay xidigaha kale ee xirto lambarkaan. Matthaus ayaa rumeysan inuu in badan ka wanaagsan yahay Lewandowski ciyaaryahanada kale ayadoo lafiirinaayo dhinac walba. “Aniga ahaan, Lewandowski waa lambarka sagaalaad ee ugu fiican dunida,” Matthaus ayaa ku codeeyay barihiisa internet ka. “Wuxuu ka wanaagsan yahay ciyaaryahanda Karim Benzema, Luis Suarez

Jose Mourinho Oo Ku Qasbi Doona Inuu Baxo Xagaaga Ciyaaryahan United ugu fadhiya Lacag Dhan £27m.

Image
Manchester United daafaceeda Luke Shaw ayaa lagu soo warramayaa inuu doonayo inuu isaga tago kooxdiisa xagaaga haddii uusan helin waqti ciyaareed joogto  ah bilaha soo aadan. 21-jirkan ayaa hardan dheer u galay sidii uu saameen wayn ugu yeelan lahaa macallinka kooxda united Jose Mourinho tan iyo markii  loo magacaabay tababaraha United xagaagi lasoo  dhaafay. IMarkii uu dib u soo laabtay, waxa uu saftay 14-kulan tartamadoo dhan asagoo kaliya sameeyay seddex bilaabasho afartii  bilood ee u danbeesay asagoo  si cad uga dhacay dooqa  macallin Mourinho. Asagoo sidoo kale macallinkiisu uu u dhaleeceeyay si cad dhaawaiciisa iyo asagoo aan ciyaari Karin xanuun dartiis, uma ahayn sannad wacan qaas ahaantiisa.

Xukuumadda Somaliland iyo Shirkadda DP WORLD oo Dhammaystiraya Heshiiska Maalgashiga Dekedda Berbera

Image
Wefti ka socda Somaliland oo u socdaalay Imaaraadka Carabta oo ay kulamo kula yeelanayaan maamulka Shirkadda DP WORLD Hargeysa (MK)- Wefti ka socda xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa safar ugu baxay magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta si ay u soo dhammaystiraan heshiiska shirkadda caalamiga ah ee DP WORLD kula wareegayso maalgashiga iyo maamulka dekedda Berbera. Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Md. Xuseen Aadan Cige (Dayr), ayaa ka warbixiyey ujeeddada safar wefti uu horkacayo Wasiirka Madaxtooyada ugu baxeen dalka Imaaraadka Carabta shalay. “Xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland iyo masuuliyiin kale oo xukuumadda ah ayaa u baxay dalka Imaaraadka Carabta, gaar ahaan magaalada Dubai, weftigana waxa hoggaaminaya Wasiirka Madaxtooyada Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, waxana ka mid ah Wasiirka Maaliyadda marwo Samsam Cabdi Aadan, iyadoo uu ka sii horreeyey Wasiirka Arrimaha Dibadda Dr. Sacad Cali Shire. Waxa kaloo weftiga ka mid ah wakiillada Somali

Daraasad Iftiimisay Dalalka Safka Hore Kaga Jira Musuqmasuqa iyo Wadammada Afrika ee Ugu Musuqa Yar

Image
Dalka Soomaaliya, ayaa loo aqoonaday inuu yahay qaranka ugu musuqmaasuqa badan Qaaradda Afrika iyo guud ahaanba Adduunkaba, isagoo kaalinta koowaad ee xaga musuqmaasuqa ka qaaday dalka Koonfurta Suudaan oo hore hoggaanka ugu haysay musuqa caalamka. Hay’adda Transparency International oo soo saartay daraasad heerka musuqmaasuqa adduunka lagu qiimeeyo (Global Corruption Perceptions Index 2016),

MAANKAAB.COM - HOYGA ARRIMAHA BULSHADA Arrin Mucjiso ah: Degaan Dadka ku Nool ay Maalintii Indho La’yihiin, Habeenkiina Wax Arkaan

Tuulo ku taal dalka Yemen, ayaa lagu arkay dhacdo cajiib ah, iyadoo dadka ku nool ay waqtiga habeenkii oo qudha wax arkaan, balse aanay waxba arag xilliga lagu jiro maalinta iftiinka ah. Tuuladan oo la yidhaah Khashaba ee dalka Yemen, dadweynaha ku dhaqan waxa ay si fiican indhahooga wax ugu arkaan mugdiga gudcurka ah, waqtiyada maalintii ee iftiinka cadceedu jirana waxba ma arkaan, balse haddii cadceedu sidaa u dhacdo waxbay arkaan. Qaar ka mid ah dadka degen tuulada koonfur galbeed ee magaalada Sanaca waxa badankooda haleelay saboolnimo aad u daran, biyo iyo korontana ma haystaan, taasina waxay keentay in aanay waqtiyada iftiinku jiro waxba aanay arag, aragooduna aad u liito, waxaanay aragoodu xooganaadaa marka ay cadceedu godkeeda gasho amma libidho. Ilaa hadda lama soo sheegin dhacdo amma war la mid ah kiiska Yemen ka dhacay oo lagu arkay meelo kale oo caalamka ah, balse dhakhaatiirtu waxay sheegeen in arrintan ay tahay xannuun ku dhacay hide-sidayaasha (Genetic disorder) dadka tu

MAANKAAB.COM - HOYGA ARRIMAHA BULSHADA Afrika: Saynisyahanno soo Saaray Baradho Dawo ka Noqon Karta Nafaqo-darrada Carruurta

Image
Saynisyahanno u dhashay dalka Gaana (Ghana) ee galbeedka Afrika, ayaa soo saaray nooc ka mid ah baradhada oo ay aaminsan yihiin in ay dawo u noqon doonto nafaqo darro tiro badan ee daashatay carruurta Afrika. Baradhadan oo midabkeedu yahay liimi (Orange) waxa ku badan faytamiinka la yidhaa “A” kaasoo carruurta ka caawiya in nafaqo-darrada ay iska difaacaan. Sida ay sheegtay hay’adda Qarammada Midoobay u qaabilsan Carruurta ee UNICEF, afartii carruur ahba mid ka mid ah ayey ku dhacda nafaqo-darro dalka Gaana, sababtoo caafimaad-darro aawadeed, balse khubaradan caafimaad ayaa aaminsan in khudrada ay ku guulaysteen in ay soo saaraan waxa ay u baahan doontaa in xaddi badan laga soo saaro si carruurta nafaqadooda loogu ilaaliyo. Baradhada noocan ah waxa lagu bixiyey lacag aad u badan si cilmi-baadhis loogu sameeyo, iyadoo saynisyahannadu hubiyey heerka nafaqo ee ay siin karto qofka cuna. Waxa hadda loo qaybiyey dadka leh moofooyinka iyo goobaha ganacsan si ay uga faa’iidaystaan,

.COM - HOYGA ARRIMAHA BULSHADA Cilmi-baadhis: Kubbadda Cagta oo Sababta in Xasuustu ka Lunto Ciyaartoyga

Image
Ciyaaryahannada xirfadda sare u leh kubbadda cagta, ayaa la ogaaday inay khatar badan ugu sugan yihiin xannuunada maskaxda ku dhaca ee sababa xusuuq-lunka amma asaasaqa (dementia). Sidoo kale, waxa arrintan laga helay feedhyahannada iyo ciyaarhannada kubbadda cagta Ameerika (American football), sida ay iftiimisay daraasad cusub oo la daabacay Arbacadii toddobaadkan Cilmi-baadhistan oo lagu daabacay wargeyska Acta Neuropathologica oo  Jamhuuriya  soo xigtay, ayaa lagu baadhay 14 xiddigaha kubbadda cagta ka hawlgabay ah, kuwaasoo qaba xannuunka xusuus-lunka (dementia), kuwaasoo carruurnimo ku bilaabay kubbadda cagta, inta badanna madaxa ku dhufan jiray (heading ball) kubbadda waqtigii ay dhallinyarada ahaayeen. Baadhitaan hordhaca oo lagu sameeyey lix ciyaaryahan, ayaa afar ka mid ah ay ka soo baxeen calaamadaha muujiya xannuunada maskaxda ee la yidhaa CTE (Chronic Traumatic encephalopathy) oo guud ahaan 12% laga helo bulshada. “Maxsuulka daraasadayadu waxa uu muujiyey xidhii

Hawraar Qayaxan: Hal-beege Mise Hal-abuure?

Cabdirisaak Saalax. Si uu Is-Fahamkeenu u fududaado, hor iyo horraysaba Suugaanta Soomaalida aynu Saddex u kala qaadno; (1) Suugaantii Sooyaalka ahayd (Classical Poetry): Waa Hilaaddii Gabyaaga iyo Golaha. Waa Suugaantii duugga ahayd, ee taariikhdii hore ee Soomaalida baalka dahabka ah ka gashay. Waa suugaantii sida durdurka u socotay ilaa laga soo gaadhay 50-nadii qarnigii inna dhaafay. (2) Suugaantii Masraxa (Modern Poetry) 1950s – 1991: Waa Casrigii ay suugaantu golaha ka soo guurtay, ee ay fagaaraha u soo mudhay. Waa xiliyaddii ay bilawdeen ee ay baalasha furteen, hal-abuurka iyo Heesaaga casriga ahi. Waa xilliga loogu yeedhi karo, Casrigii Jilliinka (Somali Casting Era). (3) Suugaantii Dibed-yaalka (Contemporary Poetry) 1991 – Maanta: Waa ta aynu naqaan, ee cid looga sheekeeyaa aysan jirin. Waa ta ay heestu maansadii ka nooshahay ee ay ka takhalustay Gabaygii iyo Masrixiyaddii kale ee ka horreeyey. Waa ta qormadeenan gun dhigga u ah. Shaki kuma jiro, in Maraaxilka Suugaanta a

Buug uu Akhriyey ayaa ku Dhaliyey inuu Hormuud ka Noqdo Cir-bixiyeennada Marayanka

Image
Nin la odhan jiray Warnher Von Braun oo inta badan dadku u yaqaanaan aabbaha Barnaamijka Cirka Maraykanka (United States Space Programme),  waligii ma uu gudbin amma darajo fiican kama keenin maadooyinka fiisigiska iyo xisaabta (Physics and Mathematics) oo sees u ah qofka doonaya inuu xiddigiska amma barnaamijyada dayax-gacmeedka barto. Waxa dhiirrigeliyey oo keenay inuu maadooyinkan barto buug uu akhriyey oo la yidhaa Die Rekete zu de Planetenraumen (The Rocket into Interplanetary Space) oo uu qoray qoraa caan ah oo magaciisu ahaa Hermann Oberth. Wixii intaa ka dambeeyey wuxuu naftiisa geliyey oo go’aan ku gaadhay inuu fahmo labadaas maaddo, aakhirkiina waxa uu noqday amma gaadhay shahaadada ugu sarraysa ee PhD uu maadada fiisigiska ku diyaariyey. Markii uu 12 jir ahaa wuxuu si fiican ugu dhiirraday sheeko ku saabsan halyey u dhashay dalka Shiinaha oo la odhan jiray Wan Hu oo loo yaqaanay inuu ahaa cir-bixiyeenkii ugu horreeyey.  Ninkan oo sheekadiisu aad u caan ahayd qarnigii

Nokia Telefoonka Nokia 3310 oo Muddo 17 ah Kadib Suuqyada Caalamka Dib ugu soo Noqonaya

Image
Toddoba iyo toban (17) sannadood kadib markii si rasmiya loo soo saaray waxa suuqyada caalamka dib ugu soo noqday mid ka mid ah moobilladii ugu adkaysiga badnaa ee waligii la sameeyo oo ah Nookiya 3310 (Nokia 3310). Telefoonkan gacanta waxa dib loogu soo bandhigi doonaa shirka caalamiga ah bandhigga moobillada (Mobile World Congress) oo qabsoomi doona dabayaaqada bishan February 2017. Sida warbixinta lagu sheegay, telefoonkan waxa marka ugu horraysa lagu baahinayaa, lagana heli doonaa suuqyada Yurub iyo Waqooyiga Maraykanka. Sidoo kale, waxa laga iibsan karaa moobaylka 3310 shirkadda Amazon ee dhinaca internet-ka, gaar ahaan suuqyadeeda. Telefoonkan waxa uu yeelan doonaa qaybo kala ah; saacad (Clock), Kalkulaytar (Calculator) iyo waliba inuu qofku 10 xasuusineed (10 reminders) ku kaydsado. Waxa kaloo uu yeelan doonaa afar ciyaarood (four games) oo kala ah Maska 2aad (Snake II), Lammaanaha labaad (Pair II), Duqaynta (Space impact) iyo Bantumi. iLAFIIRSO.blogspot.com

Filamo Ku rali galya ka dowo shabakada caanka ah ee Fanproj.com markasta kuna raxayso

Image
http://fanproj.com