Tansaaniya: 90 Jir Dhammaystiray Tartan Orad oo Masaafadiisu Tahay 21.1 km

Mollel waxa uu caddeeyey in aan da’du caqabad ahayd, balse ay tahay ta koowaad ee saamaxda marka uu qofku doonaayo inuu riyadiisa gaadho. 90 jirkan oo awoowo ah waxa uu ka qaybgalay tartanka oradka 21,1 km ee loo yaqaan Kilimanjaro Half Maraton, waxaannu aad u soo jiitay quluubta dad aad u badan, kadib markii uu dhammaystiran masaafadii looga baahnaa.
Tartarnka oradka Kilimanjaro Half Marathon waxa uu hadda galay sannadkii 13aad. Waxa dhacdadan aqoonsaday Ururka Ciyaaraha Fudud ee Adduunka ee IAAF. Markii ugu horraysay ee ciyaartan la bilaabay waxay ahayd 2002, waxaana ka qaybgalay ciyaartii ugu horraysay 300 laa 400 oradyahan.
Sannadkan waxa indhaha warbaahinta iyo dunidaba soo jiitay Joram oo 90 jir ah sida lagu daabacay website Tigo, waxa uu Mollel ku dhashay magaalada Arusha, waxaannu ku koray Kijenge, balse wuxuu ka shaqaystaa magaalada Mgambo oo uu ka yahay waashmaan amma ilaalo ammaan, waxaannu ku dhiiraday inuu ka qaybqaato oradka masaafada dheer, kadib markii uu muddo badan daawanaayey oradyahanno kale, aakhirkii wuxuu ku biiray kooxda ka qaybgashay tartankan.
Inkastoo uu waqtigii loo baahnaa dib uga dhacay, taasoo keentay in aan wax sawirro ah laga qaadin, balse wuxuu muujiyey awoodda uu u yeelan karo inuu dhammaytiri karo hawl maalmeedkiisa, waxaana ka muuqatay degenaan aad u badan iyo farxad markii uu dhammaystiran masaafadii looga baahnaa.
Sidoo kale, baraha bulshada ayaa lagu muujiyey taageero lagu taageeraayey Mollel, iyadoo dadku ku qoreen haastaag “#Mollel #Teambabu. Erayga Babu waa eray Kiswahili ah oo macnaheedu yahay awoowo. Waxaana muuqaday in muqaallo lagu muujinaayey in oradada dhaadheer dadka wayeelka ah ay ka qaybgeli karaan oo aanay da’du noqon karin qodob lagu reebo.
“Dad badan baan ilaa hadda aaminsanayn inuu dhammaystiri karo oradka, halka kuwo kalena ay leeyihiin waa inuu istaaga,” ayuu yidhi Mollel.

Comments

Popular posts from this blog

MAANKAAB.COM - HOYGA ARRIMAHA BULSHADA Afrika: Saynisyahanno soo Saaray Baradho Dawo ka Noqon Karta Nafaqo-darrada Carruurta

MAANKAAB.COM - HOYGA ARRIMAHA BULSHADA Arrin Mucjiso ah: Degaan Dadka ku Nool ay Maalintii Indho La’yihiin, Habeenkiina Wax Arkaan