Dal Muslim ah oo Qaaday Tallaabadii Madaxweyne Trump, Shan Mabnuucayna Dal-ku-galka Shan Dal oo Islaama



Muwaadiniinta ka yimaada shan dal oo dadka ugu badan ee ku dhaqan Muslimin yihiin ayaa laga mabnuucay in ay geli karaan dalka Kuwayd amma in ay helaan wax dal-ku-gal ah (Visas), kadib markii masuuliyiinta dalkan soo rogeen xayaraad dhinaca safarada ah oo ay kaga daydeen Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump.
Suuriya, Ciraaq, Iraan, Bakistan iyo Afganistaan ayaan dadkoodu awood u yeelan doonin in ay helaan fiisaha, booqashada amm arrimaha ganacsi ee dalka Kuwayd. Warkan oo soo baxay maalin uu kadib markii dalka Maraykanku soo saaray inuu mabnuucay in dalkooda ay soo galaan toddoba dal oo muslimiin ah dadkoodu.
Dadka sita basaboorada dalalkan looma ogolaanaayo in ay galaan dalkan Gacanka Carabta ku yaala, iyadoo loo sheegay xataa in aanay soo dalban karin fiisayaal ganacsi iyo qaar dalxiis ba.
Saraakiil dawladda ah ayaa u sheegay warbaahinta in go’aankan ay ka dambaysay tallaabooyin lagaga hortagaayo xasilooni darro dalalkaas ka jirta in aanay soo gaadhin dalka Kuwayd, waxaanay tilmaameen in xayiraadaas laga qaadi doono marka xaaladda ammaan ee dalalkan ka soo rayso.

Dalka Kuwayd ayaa ay ka dhaceen weeraro dablay ku qaaday meelo kala duwan labadii sanno ee u dambeeyey, taasoo ay ku jiraan qaracyo loo geystay masaajidka Shiicada 2015kii, taasoo ay ku naf wayeen 27 muwaadiniin Kuwaydiyaan ah. Arrintaas darteed waxa dalka ku wayd ay sameeyeen baadhitaanno ay ku xidheen tobanaan.

Comments

Popular posts from this blog

MAANKAAB.COM - HOYGA ARRIMAHA BULSHADA Afrika: Saynisyahanno soo Saaray Baradho Dawo ka Noqon Karta Nafaqo-darrada Carruurta

MAANKAAB.COM - HOYGA ARRIMAHA BULSHADA Arrin Mucjiso ah: Degaan Dadka ku Nool ay Maalintii Indho La’yihiin, Habeenkiina Wax Arkaan