Buug uu Akhriyey ayaa ku Dhaliyey inuu Hormuud ka Noqdo Cir-bixiyeennada Marayanka


Nin la odhan jiray Warnher Von Braun oo inta badan dadku u yaqaanaan aabbaha Barnaamijka Cirka Maraykanka (United States Space Programme),  waligii ma uu gudbin amma darajo fiican kama keenin maadooyinka fiisigiska iyo xisaabta (Physics and Mathematics) oo sees u ah qofka doonaya inuu xiddigiska amma barnaamijyada dayax-gacmeedka barto.
Waxa dhiirrigeliyey oo keenay inuu maadooyinkan barto buug uu akhriyey oo la yidhaa Die Rekete zu de Planetenraumen (The Rocket into Interplanetary Space) oo uu qoray qoraa caan ah oo magaciisu ahaa Hermann Oberth. Wixii intaa ka dambeeyey wuxuu naftiisa geliyey oo go’aan ku gaadhay inuu fahmo labadaas maaddo, aakhirkiina waxa uu noqday amma gaadhay shahaadada ugu sarraysa ee PhD uu maadada fiisigiska ku diyaariyey.
Markii uu 12 jir ahaa wuxuu si fiican ugu dhiirraday sheeko ku saabsan halyey u dhashay dalka Shiinaha oo la odhan jiray Wan Hu oo loo yaqaanay inuu ahaa cir-bixiyeenkii ugu horreeyey.  Ninkan oo sheekadiisu aad u caan ahayd qarnigii 16aad. Wan Hu waxa uu go’aansaday inuu iskii hawada sare ugu baxo, isagoo isticmaalaya sayruukh Shiinuhu leeyahay iyo qalab lagu ridayo sayruukhaas oo tiknoolajiyadda waqtigaas jirtay ugu caansanaa.
Waxa taariikhdu sheegtaa inuu samaystay kursi uu ku rakibay 47 sayruukh. Maalintii u astaysnayd inuu cirka u baxo ayuu diyaargaroobay, waannu riday, waxaanay sawaariikhdii badnayd sameeyeen qarax aad u badan, kadibna Wan Hu iyo kursigiisiiba sidii baa lagu waayey.
Haddaba, markii Von Braun sheekadaas akhriyey waxa uu sameeyey alaab yar oo nooca carruurtu ku ciyaarto ah, kuwaasoo uu ku dhajiyey rash sida sawaariikhda u samaysan, balse waa la xidhay oo booliska gacanta ku dhigay ilaa intuu aabbihii ka imanayeyna wuu xidhnaa.
Mr. Von Braun waxa uu hoggaanka markiiba u qabtay barnaamij Jarmalku ku horumairnayey sawaariikh uu hawada sare u diray ka hor iyo intii lagu guda jiray dagaalkii 2aad ee adduunka. Markii dagaalku dhammaaday, wuxuu u haajiray dalka Maraykanka, halkaas oo ka bilaabay shaqo xarunta sawaariikhda ee Intercontinental Ballistic Missile (ICBM), kadib waxa uu ku biiray NASA (National Aeronautics and Space Administration) oo Maraykanka u qaabilsan tiknoolajiyadda hawada. Aqoontiisa aawadeed waxa uu ka noqday agaasime. Hadda la soco oo waa ninkii ay dhibta ku ahayd xisaabta iyo Fiisigiska.

Ilafiirso.blogspot. com

Comments

Popular posts from this blog

MAANKAAB.COM - HOYGA ARRIMAHA BULSHADA Afrika: Saynisyahanno soo Saaray Baradho Dawo ka Noqon Karta Nafaqo-darrada Carruurta

MAANKAAB.COM - HOYGA ARRIMAHA BULSHADA Arrin Mucjiso ah: Degaan Dadka ku Nool ay Maalintii Indho La’yihiin, Habeenkiina Wax Arkaan