.COM - HOYGA ARRIMAHA BULSHADA Cilmi-baadhis: Kubbadda Cagta oo Sababta in Xasuustu ka Lunto Ciyaartoyga


Ciyaaryahannada xirfadda sare u leh kubbadda cagta, ayaa la ogaaday inay khatar badan ugu sugan yihiin xannuunada maskaxda ku dhaca ee sababa xusuuq-lunka amma asaasaqa (dementia). Sidoo kale, waxa arrintan laga helay feedhyahannada iyo ciyaarhannada kubbadda cagta Ameerika (American football), sida ay iftiimisay daraasad cusub oo la daabacay Arbacadii toddobaadkan
Cilmi-baadhistan oo lagu daabacay wargeyska Acta Neuropathologica oo Jamhuuriya soo xigtay, ayaa lagu baadhay 14 xiddigaha kubbadda cagta ka hawlgabay ah, kuwaasoo qaba xannuunka xusuus-lunka (dementia), kuwaasoo carruurnimo ku bilaabay kubbadda cagta, inta badanna madaxa ku dhufan jiray (heading ball) kubbadda waqtigii ay dhallinyarada ahaayeen.
Baadhitaan hordhaca oo lagu sameeyey lix ciyaaryahan, ayaa afar ka mid ah ay ka soo baxeen calaamadaha muujiya xannuunada maskaxda ee la yidhaa CTE (Chronic Traumatic encephalopathy) oo guud ahaan 12% laga helo bulshada.
“Maxsuulka daraasadayadu waxa uu muujiyey xidhiidh xooggan oo ka dhexeeya ciyaarista kubbadda cagta iyo xannuunada maskaxda ku dhaca, gaar ahaan xasuusta qofka oo lunta. Waxa soo baxday hadda oo loo baahan yahay in la caddeeyo waxyaabaha khatartaas sababa. Waxa kaloo loo baahan yahay cilmi-baadhis baaxad leh oo lala kaashado Xidhiidhada Kubbadda Cagta, sida FA (Football Association) iyo FIFA.” Sidaa waxa tidhi Helen Ling oo ka tirsan Jaamacadda University College London’s Institute of Neurology ee dalka Ingiriiska oo la hadashay wakaaladda wararka ee AFP.
Waa markii ugu horraysay ee astaamaha xannuunnada maskaxda ku dhaca sida xasuus-lunka laga helay ciyaaryahanno caan ah, lana ogaaday in ay sabab u tahay xirfaddoodii kubbad-ciyaarista.
Ciyaaryahannadan oo aan la magacaabin waxa 13 ka mid ah waxa mid kastaa kubbadda cagta ciyaarayey celcelis ahaan 26 sannadood, sida lagu sheegay warbixinta, dhammaantoodna waxa loo geeyey cusbitaalka dhimirka (Pychiatry Service) oo ku yaal magaalada Swansea, koonfurta Wales intii u dhexaysay sannadihii 1980 ilaa 2010kii.
Astaamaha ugu horreeya ee xannuunka xusuus-lunka (dementia) waxay bilaabantay marka maskaxdoodu gaadhayso sannadaha 60 jirka, marka la barbardhigo bulshada kale oo arrintan dareema 70 jirka, halka 12 ka mid ah 14 ciyaaryahan ay geeriyoodeen marka xaaladda xusuusta ka luntay (dementia) ku sii badatay.
Waxa kaloo lix ciyaaryahannadan ka mid ah laga helay xannuuno kale oo maskaxda kaga dhacay oo ku keenay asaasaq iyo maskaxdooda dhaawac khatar ah gaadho.
Cilmi-baadhayaashu waxay soo jeediyeen in ciyaaryahannada baadhitaan lagu sameeyo oo la eego in maskaxdooda dhaawac soo gaadho, iyagoo tilmaamay in caddaymaha daraasadda lagu helay iftiimiyeen in xidhiidh weyn ka dhexeeyo xannuunada maskaxda iyo ciyaarta kubbadda cagta, gaar ahaan kubbadda madaxa lagu dhufto.

ILAFIIRSO.blogspot. com

Comments

Popular posts from this blog

MAANKAAB.COM - HOYGA ARRIMAHA BULSHADA Afrika: Saynisyahanno soo Saaray Baradho Dawo ka Noqon Karta Nafaqo-darrada Carruurta

MAANKAAB.COM - HOYGA ARRIMAHA BULSHADA Arrin Mucjiso ah: Degaan Dadka ku Nool ay Maalintii Indho La’yihiin, Habeenkiina Wax Arkaan